... (several lines of code) ...
Buy on Whatsapp

Shirkad leh $5 billion dollar kana shaqeysa 12 wadan ninka lehna uu ka maamulayo miyiga india

Shape Image One
Shirkad leh  $5 billion dollar  kana shaqeysa 12 wadan ninka lehna uu ka maamulayo miyiga india

Qormadaan maanta waxay ku saabsan tahay qof lagend ah oo aan qiimo badan ku dhax lahayn bulshada india, haddana is bedel ku sameyay nolosha dad badan oo india ku nool, qofka aan ka hadleyno wuxuu ahaa qof shaqooyinka caadiga ah ka shaqeeya kadib wuxuu noqday (social entrepreneur) Qof xal u raadiya dhibaatooyinka bulshada.Qofka aan ka hadleyno ayaa leh hanti qiimaheeda lagu qiyaaso $2.9 billion dollar, ninkaan wuxuu isku dayayaa tijaabooyin (experiment) uu doonaya inuu ku yareeyo shaqo la”aanta ka jirta india sidoo kalena isku dayaya in tuulooyinka iyo baadiyaha india uu doonayo in uu u badalo hoyga technologyiyada dunida.Ninkaan aan ka hadlaayo waa CEO ama maamulaha guud ee shirkada caanka ah ee softwareda india ee loo yaqaan zoho magaciisuna waa SRIDHAR VEMBU wuxuu ka so qalin jabiyay jamacada princeton, wuxuuna ka shaqeyn jiray shaqo wanagsan iyo shirkad sumcad leh oo ka mid ah shirkadaha silicon valley loona yaqaan Qualcomm.SRIDHAR wuxuu ogaaday in arday ama dad badan oo india ay ka shaqeeyan shirkado badan oo dunida ku yaal kuwa oo ah shirkadaha ugu caansan dunida lakiin india shirkadaha software ayaa ah kuwa aad u liito marka laga reebo qaar yar oo aad u koobban.Wuxuu go’aansaday sridhar in uu ku laabto wadankiisa asigoo ximbarsan hami weyn kaas oo ah in uu sameyo shirkad ballaaran oo ka shaqeysa software sameyntiisa iyo in uu dhiso dhallinyarada india iney noqdaan kuwa isku filan.kadib wuxuu bilaabay shirkad lagu magacaabo advententnet taas oo kadib noqotay shirkada caanka ah zoho, zoho waxay aheyd shirkad yar 20kii sano ee laso dhaafay waxay noqotay billion dollar company market sharekooda waxa lagu qiyaasaa 5 billion dollar waxa aan dooneyno inaan ka hadalno ma aha koritaanka shirkada zoho ee laakiin waa isbedelka uu sameyay mudane SRIDHAR.Wuxu billaabay tijaabo uu ku xalinaayo dhibaatada shaqo la’aanta ka jirta india waan ognahay dhammaanteen marka aad jamacadda kaso baxdo iyo shaqada waxay u bahan tahay waxaa u dhaxeeyo farqi ballaaran, xitaa 4 sano oo barashada cilmiga engineeringka ah waxaa jiro arday badan oo india u dhalatay oo an laheyn xirfada saxda ah ama xirfadii uu u bahnaa qofka engineerka ahaa taas oo sababtay in ardaydu shaqo ku wayaan wax ay sanado baranayeen.Marka ay darseen dhibatada jirto aasasayaasha zoho waxay bilaabeen 2004 program lagu magacaabo zoho university halka waxay ka bilaabeen iney ku tababaraan dhallinyaro xirfadaha shaqada u bahan tahayna siiyaan qofka marka uu 2 sano dhameysto wuxuu shaqo ka bilaabayaa isla shirkada asigoon wax lacag laga qadeyn mushaarka lasiinayo wuxuu ka bilaabanayaa $500 waxayna ku xiran tahay xirfadiisa. Programkan waxa uu cajiib ku ahaa ayaa ah meeshii ardayga la weydiin lahaa lacago ama tabarucaad programka ah shirkada zoho ardayda waxay siineysaa lacag ku dhow 150$ bishii inta uu ku jiro tababarka oo soconaya mudo 2 sano.Ardayga waxaa la baraa maadooyinka sida xisabaadka, programingka, communication skillska, waxay diyaariyaan heer cunaga yaraa uu noqon karo qof la shaqaaleysiin karo oo wax soo saar leh.Ardyadan ayaa helo fursado ay nolosha qoysaskooda wax kaga baddelaan madaama ay badankooda ka yimaadeen tuuloyin aanan fursado badan ka jirin schoolada noocan ah ayaa loogu talagalay in lagu hormariyo nolosha dhalinyarada baadiyaha si ay u noqdaan dad shaqeysan kara, zoho waxay aminsan tahay xirfadaha iyo awooda qofka ay ka muhiimsan yihiin shahaadooyinka iyo dhibcaha.Sheekada cajiibka ah ee ka dhacday ayaa ah wiil yar oo lagu magacaabo abdul aziiz oo wardiye ka ahaa albaabka oo fursad ka helay shirkada inuu wax ka barto ayaa noqday engineer kaas oo xitaa qabto projects ama mashariic u baahan farsamo adag isla shirkadii uu ka ahaa wardiyaha ku dhawaad wax ka badan 10% shaqaalaha ka shaqeeyo zoho ayaa ah dad ay shirkada soo saartay oo ka yimid miyiga india.Zoho ayaa hada tijaabineysa mashruuc ballaaran kaas oo ay ku tijaabineyso tuulooyin badan oo ku yaal gobolka tamilnadu ayadoo tuulo walbo isku xirtay 20 arday si ay u sameeyaan software wax ka badali kara aduunka.Part 02 lasoco Www.skillhup.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *